Shariif Xasan Oo Dib Ugu Laabtay Magaalada Baydhaba, Iyadoo Ay Ku Kacsanyihiin Mowjado Siyaasadeed

Hogaamiyaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay hareeyeen guul darooyin siyaasadeed ayaa dib ugu laabtay magaalada Baydhabo oo xarun kumeel gaar u ah Maamulkiisa.

Shariif oo Muqdisho ay ka raaceen Wasiiro iyo xildhibaano la dhacsan siyaasadiisa ayaa waxa Baydhabo kusoo dhaweeyey qaar ka mid Maamulka Madaxtooyada, waxaana loo galbiyey xarunta Maamulka uu degenyahay.

Safarkan ayaa la sheegayaa in Shariif Xasan uu ku qiimeenayo kooxo mucaarad ah oo saldhigoodu yahay Muqdisho oo wada abaabul siyaasadeed oo ay kaga soo horjeedaan xukunkiisa fadhiidka ah, waxaana shariif uu wadaa sidii uu u dhantaali lahaa siyaasiyiinta ku kacsan.

Waxa lasoo sheegayaa in kulan deg deg ah uu la qaadan doono Saraakiisha Amaanka ee Amisom oo uu kala hadli doono in ay xakameeyaan shirarka iyo kulamada siyaasadeed ee lagu qabanayo magaalada Baydhabo.

Waxa muuqda siyaasiyiin ka tirsan Baarlamaanka fedaraalka iyo kuwo ka mid ah Maamulka Koonfur galbeed oo wada dadaal ah sidii ay uga takhalusi lahaayeen Shariif Xasan oo lagu eedeenayo dayaca shacabka iyo deegaanada K/galbeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open