Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulankan England Ugu Wayn Ee Man United Vs Liverpool Iyo FIFA Oo Liverpool Ku Amartay In Joel Matip Liiska Kooxdeeda Laga Saaro

Ugu dhawaan waxaa soo dhamaaday waqtigii la sugayay kulanka Old Traffrod ku dhex mari doona kooxaha Manchester United iyo Liverpool iyada oo Jose Mourinho iyo Jurgen Klopp ay markale gorada isgalin doonaan. Heer kasta oo uu kubbada cagta ka hayay kulanka udhexeeya kooxaha Manchester United iyo Liverpool ayaa ah kuln khaas ka ah England isla markaana loo arko kulanka ugu wayn.

Liverpool ayaa kulankan ka hor heshay war aad ugu xun kadib markii FIFA ay ku armartay in liiska kooxdeeda wajahaysa Manchester United laga saaro difaaca ree Cameroon ee Joel Matip kaas oo ay kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Cameroon isku khilaafeen markii uu sheegay in aanu ka qayb galayn tartanka qaramada Afrika isla markaana uu ciyaaraha caalamiga ah ka fadhiistay.

Jose Mourinho ayaa kaydka dhigay kabtanka kooxdiisa ee Wayne Rooney si la mid ah Juan Mata, Smalling iyo Fellaini waxaana kulankan safka weerarka Red Devils hogaamina Ibrahimovic oo caawin kaheli doona Paul Pogba iyo Mkhitaryan.  Michael Carrick oo kabtanka kulankan ah ayaa maamuli doona khadka dhexe oo ay ku wada jiraan Andre Herrera iyada oo Rojo uu kulankan taam buuxa u noqday isla markaana uu booskiisa ku soo bilawday.

Tababare Jurgen Klopp ayaa  goolkiisa ku soo bilaabay Simon Mignolet,  laakiin waxaa lama filaan noqotay in da’yarka Alexander-Arnold uu difaaca kala soo muuqday  Lovren, Klavan, Milner kadib markii FIFA ay Liverpool ku qasabtay in Matip aanu ciyaari karin kulankan. Kabtanka Reds ee Jordan Henderson ayaa shaxda kooxdiisa dib ugu soo laabtay wuxuuna khadka dhexe kala ciyaari doonaa Emre Can iyo Wijnaldum halka Adam Lallana, Roberto  Firmino iyo Divock Origi ay weerarka ku wada jiraan.

Laakiin Philippe Coutinho iyo Daniel Sturridge ayaan shaxda Reds ku soo bilaaban waxayna ka mid yihiin ciyaartoyda kaydka ku jira. Inkasta oo uu Alberto Moreno kaydka ku jiro ayuu Klopp gaadhay go’aan wayn oo uu kulan muhiim ah shaxdiisa ku soo daray Alexander-Arnold oo ah wiil aad u da’yar.

SHAXAHA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD:

MAN UNITED:

KAYDKA:

LIVERPOOL:Mignolet, Alexander-Arnold, Lovren, Klavan, Milner, Henderson, Can, Wijnaldum, Lallana, Firmino, Origi

KAYDKA:Karius, Gomez, Moreno, Stewart, Ejaria, Coutinho, Sturridge

by Mohamoud Batalaale

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open