Wararkii Ugu Dambeeyey Ciidamada Dowlada Oo Howlgal Ka Fuliyey Deegaanada Galbeed Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay weerar ka fuliyeen gobolkaasi.Weerarka ayaa lala eegtay saldhig ciidamada Al­shabaab ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan duleedka degmada Leego.

Weerarka ayaa ka dhacay saldhiga deegaanka Yaaq­doomaar oo Alshabaab ku leeyihiin, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, Dadka deegaanka ayaa sheegaya in weerarka uu ahaa mid culus oo ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay fuliyeen.

Saraakiil u hadashay maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xaqiijiyay in weerarka uu dhacay, balse ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada AMISOM ayaa marar badan weeraro ka geystay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran