Xiisad Ka Taagan Dhameystirka Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Gobolada Waqooyi

Waxa soo baxaya Muran iyo khilaaf xoogan oo ka taagan dhameystirka xubnaha aqalka sare u matalaya deegaanada Gobolada waqooyi ama Somaliland.

Jaamac Xasan Qaalib, Guddoomiyaha Guddiga doorashada xubnaha Somaliland matalaya ayaa sheegay in khilaafka uu ka dhashay doorashada iyo musharixiinta xildhibaanada aqalka sare u matalaya Somaliland.

Jaamac Xasan, ayaa sidoo kale sheegay inay ku howlan yihiin sidii loo dhameyn lahaa khilaafka oo ku saleysan musharixiinta xildhibaanada matalaya Gobolka sanaag, sida uu sheegay, Sidoo kale wuxuu sheegay in khilaafka ugu daran uu ka yimid sidii loo qeybsan lahaa shanta kursi ee ka harsan aqalka sare.

Wuxuu sheegay in beelaha kasoo jeeda deegaanada Somaliland ee xubnaha ka helay aqalka hoose ee baarlamaanka inay doonayaan inay markale xubno ku yeeshaan aqalka sare, taasi oo murunka ugu weyn keentay, Doorashadaasi ayaa la filayaa inay magaalada Muqdisho ka bilaabato marka la dhameeyo khilaafka hadda taagan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE