Xisbiga Mucaaradka Ah Wadani Oo Xisbul Xaakimka Kulmiye Ugu Baaqay Inay Kala Cadeeyaan Fa’iidada Ugu Jirta Dhismaha Saldhiga Imaaraadka

Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani, ayaa meel adag iska taagay saldhigga militeri ee la sheegey inay Xukuumaddu go’aanstay inay dalka Imaaraadka Carabta ka siisyo magaalada Berbera.

Xoghayaha guud ee xisbigaasi Maxamed Cabdilaahi Uurcadde ayaa ka digay in dhaqaale cid gaar ah ku kooban dartii loo wareejiyo goob kamid ah dekedda Berbera, waxana uu xukuumadda ugu baaqay in saldhigaasi aanu istaahil ku ahayn wax ka yar ictiraaf Somaliland ku beddelato.

Xoghayaha Xisbiga Wadani ayaa waxa uu dhaliilay waxyaabaha lagu beddeshay dhismaha saldhigaasi, waxaana uu tilaamay in meel ka dhac ay ku tahay jiritaanka Somaliland oo aanay u qalmin.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa soo baxayey warar sheegaya inay jamhuuriyadda Somaliland ay go’aansatay in saldhig Militeri dalka Imaaraadka Carabta ka siiso Degedda Berbera, waxana isa soo taraya dadka sida weyn uga soo horjeeda dhismaha saldhigaasi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE