AMISOM Oo War Kooban Kasoo Saartay Xasuuqii Shacabka Ee Shalay Ay Ka Geysteen Duleedka Muqdisho

Taliska Ciidamada Amisom ayaa war kasoo saaray xasuuq shacab oo shalay gelinkii dambe ay ka geysteen deegaanka Xaawa Cabdi ee ku yaalla wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

War qoraal ah oo kasoo baxay AMISOM ayey kaga hadleen Gaarigii ay saarnaayeen dadka Shacabka oo shalay uu dul maray Gaari weyn oo ay wateen Ciidamada AMISOM, Gaarigaas oo waday dad shacab ah ayaa waxa ku geeriyooday ilaa toban qof oo ka mid ahaa rakaabkii gaariga saarnaa.

AMISOM ayaa sheegtay in ay bilaabayaan baaritaan la xiriira sababaha keenay in gaarigooda uu dul maro Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah, waxaana ay warbixintooda sidoo kale ku sheegeen in ay ka xun yihiin wixii dhacay.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open