Baarlamaanka Dalka Turkiga Ayaa U Codeeyey In Awood Dheeraad Ah La Siiyo Madaxweyne Erdugan

Baarlamaanka Turkiga ayaa kulan ay yeesheen ku meelmariyay qodob cusub oo awood dheeraad ah siin doona madaxwayne Recep Tayyip Erdogan, Waxaa jiri doona wareeg labaad oo xildhibaanadu ay u codayn doonaan todobaadkan haddii ay meelmariyaanna afti ayaa la qaadi doonaa.

Waxa jira siyaasiyiin go’aankan dhaliishan waxaana ay sheegayaan in arintani ay ka dhigan tahay in Erdogan uu awoodda maroorsanayo.

Laakiin madaxwaynuhu wuxuu sheegay in isbadalkan uu la simi doono madaxda Faransiiska iyo Maraykanka,  Dastuurkan cusub wuxuu ogolaan doonaa in madaxwaynuhu uu magacaabo ama shaqada ka eryo wasiirrada iyo in uu meeshaba ka saari karo Ra’iisal wasaaraha waxayna arrintaasi noqon doontaa markii u horaysay taariikhda Turkiga.

Taas badalkeedana waxaa jiri doona ugu yaraan hal madaxwayne ku xigeen, Qodobada dambe ee dastuurka waxaa la ansixiyay Maalintii Axadd ee shalay, xisbiga talada haya ee AKP ayaana helay tiradii xubnaha baarlamaanka ee ay u baahnaaayeen.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran