Dhageyso Dowlada Burundi Oo Shaacisay In Ciidamada Ay Kala Baxeyso Soomaaliya

Dowladda dalka Burundi ayaa ku dhawaaqday iney bilaabayso la bixida Ciidankeeda jooga Soomaaliya ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Burundi ayaa sheegay iney maanta bilaabayaan hannaanka ay kula baxayaan 5,400 oo Askari oo dalka Burundi ka jooga gudaha Soomaaliya,wuxuuna u aaneeyey arintaasi mushahar la’aan soo wajahday Ciidankooda 12kii bilood ee lasoo dhaafay.

Wuxuuna sheegay iney jeclaayeen iney sii wadaan taageerida Soomaaliya iyo ilaalinta Xasiloonida dalka Soomaaliya balse waxa uu farta ku fiiqay in Ciidankoodu aysan sii shaqayn karin Mushahar la’aan,khilaaf xoogleh oo soo kala dhexgalay Madaxweynaha dalka Burundi iyo Midowga Yurub oo bixiya Mushaharka Ciidanka AMISOM ayaa sababay in Midowga Yurub ay Mushaharaadka ka jaraan ciidanka Burundi ee jooga Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran