Dhageyso Shariif Xasan Oo Qirtay In Guul Darooyin Siyaasadeed Uu Kala Soo Kulmay Doorashadii Ka Dhacday Muqdisho

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Magalaada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa uu ka hadlay guul darada siyaasadee ee kasoo gaartay Doorashooyinka Soomaaliya ee lagu doortay Gudoonka Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay Xildhibaanada Koonfur Galbeed in ay balanta uga baxeen, maadaama hamigiisa ugu sareeya uu ahaa in Koonfur Galbeed gaar ahaan Beelaha Digil iyo Mirifle ay hesho Madaxweyne ama Ra’iisul wasaare.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in waligiis uu wadi doonto isbedel lagu sameeyo kuraasta ugu sareysa ee dalka, taasina mar walba ay ku dadaali doonaan.

Shariif Xasan oo dayacay Maamulka K/galbeed ayaa hami siyaasadeed ka lahaa xukunka dalka, waxaana uu ku guul dareystay in uu u tartamo xilka Madaxweynaha, iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku guuleystay Prof Jawaari oo isku beel ay kasoo jeedaan.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open