Nabadoon Caan Ah Oo Caawa Lagu Toogtay Magaalada Muqdisho

Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa caawa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxa ay ku toogteen mid ka mid ah Nabadoonada Soomaaliyeed.

Dilka oo ka dhacay Xaafada Silliga ayaa waxa loo geystay Nabadoon lagu mgacabaai jirey Islow Geedi ayaa sida wararku ay sheegayaan kasoo baxay Masaajidka Bacweynaha ku yaalla xaafadda silliga, waxaana bisto ku weeraray laba wiil oo dhalin yara ah.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegayaa in ay Nabadoonka kasoo raaceen Masaajidka oo uu kusoo tukaday salaada Maqrib, iyadoo isla goobta uu ku geeriyooday Nabadoon Islow Geedi, iyadoo goobta ay ka baxsadeen kooxii wax dilay.

Dilalka loo geysto Nabadoonada iyo waxagaradka Soomaaliyeed ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, iyadoo tani loo aaneyn karo amni daro mararka qaar ka jirta degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open