Qalinkii UST Axmed Da’ud Madaxweyne Ii Doorta Dadnimaa Ka Horreysa!

Musharraxiinta hadda u taagan u tartamidda xilka madaxweyne ma jiraa mid mas’uuliyad bulsho qaatay isaga oo is direy sameeyay wax un ay bulshadu u baahantahay sida xarun waxbarsho & caafimaad ama fuliyay adeeg bulshada muhiim u ah oo ay ugu yartahay in uu ka qodo ceel biyood dagmadii ama tuuladii uu ku dhashay si’ ay dadka ku nool u helaan biyo nadiif ah oo aan lacag ahayn?

Ma jiraa musharrax u taagan xilka madaxweyne oo fursad yar siiyay dadka danta yar ee ku nool muqdisho? Ma jiraa musharrax geesinimo u leh in uu soo dhexgalo shacabka uu rabo in uu madaxweyne u noqdo?

Taa baddalkeeda, Musharrax kasta waxaa uu maalintii bixiyaa lacag aan u ahayn masu’uuliyad bulsho oo uu ku bixinayo laaluush & qado ama casho sharaf si’ uu u helo xilka uu rabo oo uu hadhowna si’ shakhsi ah ugu faa’idaysan doono sida ay sameeyeen kuwii ka horreeyay.

Markaan wax rogrogay waxaa iisoo baxaday in tartan kasta oo loo galo madaxtooyo tahay mid aan loogu adeegeynin umadda Soomaaliyeed; maadaama, shaqsiga ku guulaysan doono uu yahay mid iibsaday xukunka oo aan si’ caddaalad & hufnaan ku imaanin.

Waa aragtidayda gaarka ah

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran