Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Degmada Qoryooley Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Sh/hoose kooxda Al-shabaab ayaa xalay weeraro ku qaaday Degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/hoose.

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday Degmada Qoryooleey waxaana la sheegay inuu dagaal culus dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Fariisinka ku leh Degmada Qoryooleey.

Lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka culus ee xalay Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo Kaashanaya kuwa AMISOM ku dhexmaray Degmada Qoryooleey ee Gobolka Sh/hoose.

War lugu baahiyay warbaahinta taageerta kooxda al-Shabaab ayaa lugu sheegay inay la wareegen gacan ku heynta degmada Qoryooley,laakin ma jiro wali war ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee deegaanka gacanta ku hayay.

Dagaalkan wuxuu qayb ka noqonaya weerarada ay al-Shabaab ka geystan Gobolka Shabeelada hoose, waxaana kooxda ay wali maamullan deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open