Seddax Ka Mid Ah Kuraasta Xubnaha Aqalka Sare Ee Beelaha Waqooyi Oo Maanta Lagu Doortay Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa dib uga bilowday doorashada xubnaha aqalka sare ee Gobolada Waqooyi, iyadoo doorashadaasi ay ku soo baxeen seddex xubnood oo cusub, Doorashada xubnaha aqalka sare ee Gobolada Waqooyi xili hore waxaa ku soo baxay lix xubnood.

Doorashada maanta Xubnaha ku soo baxay waxaa ka mid ah Nuuro Faarax Jaamac oo heshay 38 cod, Deeqo Xasan Xuseen oo iyadana heshay 24 cod iyo Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo helay 39 cod.

Waxaa lagu wadaa doorashada xubnaha aqalka sare ee Gobolada Waqooyi in la soo geba-gabeenaya maalmaha soo socda, iyadoo mararka qaar ay doorashooyinka dib u dhigaan muranno ku saleysan habka tiro qeybsiga ee Beelaha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE