Ciidamada Amaanka Ee Magaalada Boosaaso Oo Bilaabay Howlgal Ay Ku Baadi Goobayaan Kuwa Ka Dambeeya Dilalka

CiidamadaMaamul Goboleedka Puntland ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo amniga iyo daganaanshaha ka wada Xaafadaha Magaalada Boosaaso, kuwaas oo lagu baadi-goobayo kooxihii ka dambeeyey dil shalay galab ka dhacay gudaha Magaaladaas.

Ciidamada ayaa saaka howlgaladoodan ka wada xaafado kamid ah magaalada, iyadoo sidaas oo kale ay baarayaan gaadiidka iyo dadweynaha lugeynaya si looga soo dhex saaro kuwa ku lugta leh amni darada.

Ciidamada ayaa si gaar ah u bartilmaameedsanaya Goobo laga shakisan yahay, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in ciidamadu gacanta ku dhigeen dad la tuhmay.

Saraakiisha Amaanka ee Magaalada ayaa sheegay in baaris lagu sameenayo dadka la qabtay, waxaana kadib lahorgeyn doona Cadaaladda, haddii lagu helo dambiyada loo haysto ee la xiriira falal dambiyeedka amni xumada.

Magaalada Gancsiga ee Boosaaso ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxa ka jiray weeraro iyo dilala qorsheysan oo qaarkood lagu geystay saraakiil iyo ciidan ka tirsan Maamulka Mudug, waxaana muuqata in ay faraha kasii baxeyso xaalada amaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran