Deg Deg Maleeshiyada Alshabaab Oo Lagala Wareegay Deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku wramaya in saake dagaal culus uu ka socdo deegaanka dhowr ah oo ka tirsan Gobolka.

Ciidamo ka tirsan Amisom, Nabad sugid iyo kuwo deegaanka ayaa weerar ku qaaday deegaano ay ka midyihiin Bariire iyo Awdheegle, waxaana halkaas ay kula dagaalameen Maleeshiyada Kooxda Alshabaab.

Warar hordhaca saake oo nasoo gaaraya ayaa ku waramaya in Ciidamada huwanta ah ee is garabsanaya ay la wareegeen gacan ku heynta Bariire iyo qeybo ka mid ah deegaanada Daaru-salaam iyo Malable.

Dagaal culus ayaa waxa uu ka socdaa Degmada Awdheegle oo maleeshiyada Alshabaab ay ku mintidaayaan in aana lagala wareegin, waxana jira hub culus oo ay isku adeegsanayaan dhinacayada dagaalamaya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE