Deg Deg Qarax Weyn Oo Ka Dhacay Deegaanka Bariire Iyo Ciidamada Deegaanka Oo Howlgal Wada

Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose oo saake aroortii ay la wareegeen Ciidamada Deegaanka iyo kuwo saaxiibada la ah ayaa waxa ka dhacay qarax weyn oo ay fuliyeen kooxda Alshabaab.

Qaraxa oo la sheegayo in uu ahaa Miino ayaa lagu aasay Buundo/Biriij saaran Kanaal dhex mara wadada isku xirta Beeraha iyo Deegaanka, oo ku beegan dhinaca bari, waxaana warara soo baxaya ay sheegayaan in uu jiro khasaare kooban.

Saraakiisha Ciidamada Nabadsugidda ayaa sheegay in qaraxaas Miino aan laga gaarin ujeedadii laga lahaa iyadoo dhaawac fudud uu kasoo gaaray hal askari oo ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.

Waxa socda howlgal weli ay wadaan Ciidamada deegaanka ee maanta qeybta ka ahaa duulaanka Maleeshiyada Alshabaab looga xoreeyey deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Lasoco wixii warara dheeraad ah ee kasoo kordha

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE