Dhageyso Gudoomiyaha Nambar 50 Oo Faafaahin Ka Bixiyey Dagaalkii Maanta Ay Ku Qaadeen Deegaanada Bariire iyo Awdheegle

Iyadoo deegaano ka tirsan Gobolka shabeelada hoose maanta ay ka dhaceen dagaalo culus oo lagu qaaday deegaano ay maamulaan Maleeshiyada Alshabaab ayaa waxa soo baxaya faafaahinno dheeraad ah.

Weerarkii maanta oo ay iska kaashadeen Ciidamada Nabad sugidda, kuwa deegaanka iyo Ciidamada Amisom, iyadoo lagu burburiyey saldhigyo Alshabaab ay kasoo qaadi jireen weeraro ay ka geystaan xarumaha ay maamulaan Ciidamada Amisom iyo kuwa deegaanka.

Gudoomiyaha Degmada Nambar 50 Cabdulaahi Waafow oo maanta qeyb ka ahaa howgalka ayaan wareysi kala yeelannay dagaalada iyo ujeedooyinka laga lahaa, waxaa kaloo waresigan aan ku weydiinay su’aalo la xiriira xaalada deegaanka iyo qorshayaasha ay damacsanyihiin.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Nambar 50 Cabdulaahi Waafow ayaa faafaafhin ka bixiyey weerarkii lagu qaaday Awdheegle iyo Bariire isagoo dhinaca kale ku nuux nuuxsaday in ay qaadi doonaan tallaabooyin ay Shabaabku kaga saarayaan deegaanada ay dadka ku dhibaateynayaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open