Dhageyso Howlgalka Midowga Afrika Ee Soomaaliya Oo Dalbaday Ciidamo Dheeraad Ah

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Arimaha Soomaaliya isla markaane ah Gudoomiyaha hawlgalka AMISOM ninka lagu magacaabo Francisco Madeira ayaa sheegay in Taliska AMISOM uu u baahan yahay Ciidamo dheeraad ah si uu u xajiyo dagaalada uu kula jiro Alshabaab.

Francisco Madeira ayaa shaaca ka qaaday iney adkaan doonto dadaalada nabaded ee Soomaaliya ay ka wadaan hadii wadamada qaar ay la baxaan Ciidankooda jooga Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in hada loo baahan yahay 9,000 oo Ciidamo dheeraad ah si loo dardar galiyo hawlgalka AMISOM,Wuxuuna sheegay in Ciidanka AMISOM ee hada jooga Soomaaliya iney ku adag tahay ka hortagidda weerarada Al-shabaab.

Hadalka Taliska AMISOM Francisco Madeira ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Burundi ay ku hawlan tahay sidii ay Ciidankeeda ugala bixi lahayd gudaha Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE