Diiwaangelinta Musharaxiinta Gudoonka Aqalka Sare Oo Maanta Ka Furmeysa Magaalada Muqdisho

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka bilaabanaysa Diiwaangalinta Musharixiinta u sharaxan Gudoonka Aqalka Sare ee dalka.

Gudoomiyaha Gudiga Qaban-qaabada Doorashada Gudoomiyaha Aqalka Sare  iyo ku xigeenadiisa  Maxamed Cismaan Faarax Dhaga-juun ayaa sheegay in Maanta oo Talaado ah ay bilaabanayso Diiwaangalinta Musharixiinta u tartamaya Gudoonka Aqalka Sare.

Maalinta Axada ee soo socota ayaa loo ballansan yahay in la qabto Dorashada Gudoomiyaha iyo ku xigeenada Aqalka Sare waxaana intaa kadib la guda gali doonaa Doorashada Madaxweynaha dalka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE