Faafaahinno Laga Helayo Dagaalo Ka Dhacay Magaalada Cadaado Ee Gobolka Galguduud

Warara ka imaanaya magaalada Cadaado Ee Gobolka Galguduud ayaa ku waramaya in saake halkaasi ay ku dagaalameen Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Galudug.

Ciidamada dagaalamaya oo kala taabacsan Madaxtooyada iyo Baarlamaanka ayaa dagaalkooda waxa sababay ka dib markii Ciidamada Nabadsugidda ay weerareen xarun lagu magacaabo Badbaado oo ay ku kulmaan Baarlamaanka Galmudug oo ku kacsan Madaxtooyada.

Xarunta Badbaado oo ay ilaalo ka haayaan Ciidamo Boliis ah ayaa waxa sidaasi ku dhacay dagaalka labada dhinac, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo kooban socday oo dhaliyay qasaaro kala duwan.

Inta la xaqiijiyey seddax askari ayaa ku dhaawacantay dagaalka hal kalana waa ku dhawacmay, iyadoo dagaalka uu hada istaagay, walow ay jiraan xiisad dagaal oo weli taagan.

Waxa maanta magaalada Cadaado ka baaqday kulan ay lahaayeen Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo doonaya in maalmaha soo socda ay doortaan Madaxweyne, maadaama ay xilka Eryeen C.kariin Xuseen Guuleed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE