Shabakad Sameysa Lacago Doolar Been Abuur Ah Oo Lagu Burburiyey Muqdisho

Ciidamadda nabadsugida Soomaaliyeed ee Nabadsugidda ayaa magaalada muqdisho ku abtay warashad lagu farsameeyo lacagta doolarka faalsada ah iyo kooxdii ka macaashaysay

Ciidamada Nabadsugidda oo xalay howlgal uu dhiig ku daatay waxay ka sameeyeen degmada Waaberi ee magaalada muqdisho waxa ay ku qabteen Koox ay ku sheegeen inay ahaayeen kuwo burcad ah oo Guri ku yaalla degmadaasi ku sameenayey Lacag Doolar oo been abuur ah.

Hay’adda NISA waxay sheegtay inay xabsiga ay u taxaabeen ilaa lix qof oo ku eedaysan faldamiyeedkaasi, waxay kaloo la wareegeen  Warshaddii iyo Qalabkii lagu farsameenayey Lacagahaasi Been Abuurka ah.

Taliska Nabadsugidda wuxuu sheegay in howlgalka ay Ciidamadu Fuliyeen uu ku dhintay Askari katirsan Ciidamada mid kalana uu kaga dhaawacmay kadib markii Kooxda Burcadda ah ay isku dayeen in ay iska Caabiyaan Ciidamada.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open