Siyaasi Faarax Macallin Oo Soo Bandhigay Xaqiiqda Ciidamada Shisheeye Ay U Joogaan Soomaaliya

Siyaasiga Faarax Macalin oo horey u soo Noqday Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa ka qayb Galay Barnaamij Dood ah oo ku saabsan Sidii Ciidamada Kenya looga saari lahaa Soomaaliya, Kaasi oo ka baxay Telefishinka Dawladda Kenya.

Faarax Macalin ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Kenya iyo Kuwa kale ee ka tirsan AMISOM aysan Soomaaliya u Joogin inay la dagaalamaan Al-shabaab, Balse Qorshahoodu yahay inay Halkaasi Dhaqaale ku helaan, Wuxuuna sheegay inay waxyar ku qaadan lahayd hadii Al-shabaab lala dagaalamayo, Wuxuuna xusay Ganacsiga Sharci darada ah ee Dhuxusha iyo Arimo kale oo la yaab leh.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE