Deg Deg Ciidamada AMISOM Miinooyin Ku Qarxiyey Magaalada Xeebeedda Baraawe

Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe Ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in halkaas lagu burburiyey qaraxyo la doonayey in lagu axyeeleeyo dadka Shacabka ah.

Ciidamo ka tirsan kuwo AMISOM ayaa Miinooyin kasoo saaray goobo horey loogu diyaariyey oo ay ku jiraan suuqa iyo wadooyinka kuwaas oo la doonayey in lagu waxyeeleeyo dadka Shacabka ah ee magaalada si mar marsiiyo loogu dhigo in lagu qarxiyey Ciidamada dowlada iyo saaxiibadooda.

Howlgal maanta ay sameeyeen Ciidamada AMISOM ayaa waxay kusoo bixiyeen Miinooyinkii la aasay, iyadoo Ciidamada ay geeyeen goob ka caagan bulshada ka dibna a ku qarxiyeen ilaa seddax miino.

Goobta lagu qarxiyey Miinooyinka ayaa lagu magacaabaa Qabriga Sheekh Maxamed Biimaalow oo ku yaala dhinaca Waqooyi ee Xeebta Magaalada Baraawe, iyadoo laga badbaadiyey dadka Shacabka ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open