Dhageyso Hogaamiye Cabdulaahi Waafow “Shabaab Dadka Wey Cunaqabateeyeen, Yahuud Kuma Dhaqanto Waxay Ku Dhaqmaan”

Gudoomiyaha Degmada Nambar 50 Ex (Raaxoole) Cabdulaahi Cali Axmed Waafow ayaa sifeeyey dhaqanka xun ee Maleeshiyada Alshabaab ay ku hayaan dad Shacabka ah ee ku dhaqan deegaano ka tirsan Shabeelada hoose.

Waafow ayaa sheegay in Shabaabku dhibaato ba’an ay ku hayaan Shacabka oo ay ka cuna qabateeyeen biyaha iyo sahayda, iyadoo ka duugay Ceelashii Biyaha wadooyinkiina ka xirey, iyagoo doonaya in ay barakiciyaan Shacabka.

“Nimankaan Alshabaab dadku waxay ka cuna qabateeyeen biyihii la cabi lahaa, iyagaa dad gaal ku tilmamaaya, wax ka daran iyagaa ah Yahuud kuma dhaqanto waxay ku dhaqmayaan, dadka biyaha ayey ka qabteen, biyihii ayey ka cuna qabateeyeen Ceelashii ay ka gubeen dadkii biyihii ay cabi lahaayeen ayey u diideen. Umadaan ma cuna qabateyn karaan Ilaah baa uuntay waxana uma keeni karaan dhibaatada yar ee ka jirta Gobolka intaas waaye”.

Shacabka ayuu ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka ka dhanka kooxda Alshabaab “Umada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa meel kasta oo ay joogto in loo midoobo sidii nimanan cadowga ah argagaxiisada ah, ee dembiilayaalka ah ee kasoo hayamay dalalkooda oo usoo hayaamay in Soomaaliya gudaheeda ay ku chuumaaleystaan, umada ku dhibaateeyaan kuwoo badan oo Soomaali ah oo dawa dhilif u ah oo diin aan ku dhaqmeenaa leh Umadana dhibaateynaayo halaga midoobo in leyska dhiciyo”

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE