26.2 C
Marka
Friday, July 28, 2017
گیاهی ترین گیاهی ترین AnzanDigital فروشگاه
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Amray In Xabsiga La Dhigo Agaasimihii Socdaalka...

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Amray In Xabsiga La Dhigo Agaasimihii Socdaalka Iyo Jinsisiyadaha Gobolka Bari

Agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Gobolka Bari Cabdullaahi Maxamed Axmed Dhega-dheere ayaa maanta lagu xirey saldhiga dhexe ee Magaalada Garowe ka dib amar kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka  Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay.

Agaasimaha laanta socdaalka Gobolka Bari ayaa Buuhoodle uga yimid safar uu kaga soo qeyb galay Munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimihii horre ee Laanta Socdaalka Buuhoodle iyo Masuul cusub oo xafiiskaasi howshiisa inuu sii wado lagu soo wareejiyay.

Amarkan kasoo baxay Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaan wadan wax qoraal ah, iyadoo Ciidamada ay aqbaleen amarka xariga la xiriira, Lama oga sababta uu Madaxweyne kuxigeenka Puntland uu u amray in lagu xiro Garowe Agaasimaha laanta socdaalka Gobolka Bari.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE