Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed Oo Su’aal Geliyey Hal Ku Dhigga Xasan Sheekh “Qabyo Ninkeedaa Dhameystira” (Video)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh oo maanta mar kale dib ugu laabtay Muqdisho ayaa sheegay in dhaqaalaha dalka la musuq maasuqay, isla markaana dhaqaalaha ka soo gala dekeda Muqdisho, garoonka diyaaradaha iyo meelaha kale ee canshuuraha aan loo isticmaalin wadadii saxda aheyd.

Waxaa uu sheegay in Amniga dalka aanan marnaba laga shaqeyn, isla markaana magaalada Muqdisho ay tahay mid kala xirin, oo dadka aanay meel aadi karin, isagoo xusay in taas ay cagsi ku tahay Lixdii Tiir ee Madaxweyne Xasan Sheekh, Wuxuuna sidoo kale dood adag Geliyey Hal ku dhiga Madaxwayne Xasan sheekh ee “QAYBO NINKEEDA AYAA DHAMAYSTIRA”.

Mar uu ka hadlayay dib u dhacyada dhowrka jeer ee ku yimid Doorashada Madaxweynaha ayuu xusay in ujeedada dib loogu dhigayo ay tahay in dhaqaalaha laga dhameeyo Musharaxiinta kale ee tartanka ku jira, isla markaana marka la daaliyo uu Madaxwayne Xasan doonayo inuu ka Faa’iidaysto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE