Qaramada Midoobe Oo War Kasoo Saartay Tirada Ciidamada AMISOM Ay Dileen Afartii Sano Ee Lasoo Dhaafay

Warbixin uu Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki Moon u gudbiyey Golaha Ammaanka ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka AMISOM ay dad badan oo shacab Soomaaliyeed ah dileen 4tii bilood ee lasoo dhaafay.

Warbixinta ayaa waxaa la lagu sheegay in Ciidamada AMISOM ay siyaabooyin kala duwan u dileen 37 qof oo shacab ah 4tii bilood ee lasoo dhaaay,Warbixinta ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in Ciidanka Soomaaliya ay sidoo kale mudadaas dileen 55 ruux oo shacab ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Tirada dadka rayidka ah ee ay  wadar ahaan dileen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ka badan yihiin dadka ay dileen Al-shabaab.

Qoraalkan ayaa imaanaya iyadoo Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka dagaalama ay sii wadaana dilalka ay u geysnayaan dadka Shacabka, iyadoo weli Madaxda dowlada aanay ka hadlin tacadiyada AMISOM.

Dad ugu badan ee dilka ay u geystaan Ciidamada AMISOM ayaa lagu dilaa Gobolka Shabeelada hoose, dilalka ugu badan ayaa dhaca marka Ciidamada ay la kulmaan qaraxyo iyo weeraro qorsheysan oo ay ku qaadaan Maleeshiyada Alshabaab.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE