Xaalad Xun Oo Ka Taagan Dalka Gaambia Iyo Wasiiro Iscasilay

Madaxweynaha dalka Gaambiya Yahya Jammeh ayaa xilkiisi ku ekaa habeenkii xalay, waxaa sharcigu dhigaayey in maalinta khamiista ah uu xilka wareejiyo kadib markii looga adkaadey doorashadii dhawaan dalkaas ka dhacdey. Laakiin wuxuu ku dhawaaqey in uu xukunka sii hayn doono dalkana gelin dono xaalad deg-deg ah.

Doorashadii dhacdey 1-dii Diseembar 2016 Yaxya Jammeh waxa uu qiray in uu ka guuleystey ninka la tartamaayey ee Adama Barrow, Jammeh ayaa Gaambiya ku hoggaaminaayey gacan bir ah muddo 22 sano ah. Wax yar kadib qirashadii in laga guuleystey ayuu ka noqdey kadib markii uu sheegay in ay jiraan codad badan oo aan la tirin.

Maalintii shalay ee Talaadada waxaa xilka iska casiley qaar kamid ah golaha wasiirada kuwaas oo ka mudaaharaadaya, diidmada Madaxweynuhu in uu xilka wareejiyo.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open