Ajaanibta Ku Nool Dalka Gambia Oo Bilaabay Inay Qaxaan Si Ay Uga Badbaadaan Khalalaasaha Siyaasadeed (Sawiro)

Dadkii ajaanibta ahaa e ku noolaa dalka Gambia ayaa bilaabay in boorsooyinkooda ay duuduubtaan iyagoo ka cabi qaba inay ka dul dhacaan dagaalo iyo khalalaaso siyaasadeed.

Kumanaan ajaanib ah oo isugu jira dalxiisayaal iyo ajaanib kale ayaa kasii baxaya dalka lugaha lasii galaya khalalaasaha siyaasadeed ee sababtay in xilka uu isku sii dhejiyo Madaxweynaha laga guuleystay, waxaana dalka gaaray diyaarado gaar ah si ay ula soo baxaan dadkooda.

Dowlada Senigal oo deris la ah dalka Gambiya ayaa Ciidamo dheeraad ah geysay xadka labada dal, waxaana Golaha amaanka ee qaramada Midoobe ay u gudbisay in loo ogolaado in fara gelin Milateri ay ku sameeyaan Gambia si xilka looga tuuro Madaxweynaha laga guuleystay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran