Dhageyso Dr Cali Baaba “Gudoomiyaha Afgooye Ha Kala Doorto In Maalin Walba Uu Dharbaaxo Cumar Farey, Ama Sidii C/qani Geesinimo Uu Duurka U Galo”

Dr Cali Baaba oo ka mid ah aqoonyahaanada Soomaaliyeed gaar ahaan kasoo jeeda deegaanada Gobolka Shabeelada hoose ayaa ka hadlay dhibaatada ka jirta Degmada Afgooye.

Dr Cali oo si dhow ula socda siyaasadda dalka ayaa marka hore ka hadlay arimaha doorashooyinka dadbadn ee lagu soo doortay xilhdibaanada iyo Gudoonka Baarlamaanka, waxaana dhaliil uu usoo jeediyey siyaasiyiinta sida magac u yaalka uga mid noqday Baarlamaanka ee u dhashay Shabeelada hoose.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay dhibaatada haaysata Shacabka ku dhaqan degmada Afgooye oo boob hantiyadeed ay u hayaan Maleeshiyaad kasoo hayaamay Gobolada Galguduud iyo Shabeelada dhexe, isagoo tilmaamay in Shacabka laga hor istaagay in maamulkooda loo madax baneeyo.

Gudoomiyaha Maamulka Afgooye ayuu ku sheegay mid maqaar saar ah oo aan awood u laheyn in uu ka fal celiyo dhibta umada haaysata, waxaana shakhsigaas uu ku tilmamaay mid maqaar saar ah oo ay ku adeegtaan Xubno maamulkiisa ku jira oo aan deegaanka u dhalan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE