Abaartii Daba-dheer Ee ku Dhufatay Waqooyiga Iyo Bartamaha Dalka Iyo Jawaabtii Dawladii Kacaanka (Video)

Abaartii Dabo-dheer oo dalka ku dhufatay 1974-75 ayey Abaartaasi ka dhacday waqooyiga iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo galaafatay dadka iyo duunyada.

Alle ha u Naxariisto Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa cagihiisa ku tegay goobihii ay abaartu saameysay, wuxuuna armay in dowladdu ay samata bixiso dadka iyo duunyadaba, waxaa la fasaxay ardaydii wax baranaysay si ay gurmadka abaarta uga qayb qaatan.

Boqollaal kamid ah ciidama xooga dalka, 24 diyaaraddood , ku dhowaad 700 oo gaadiidka ciidamada ee xamuulka qaada oo ay ku jiraan baabuur fidinayey gargaar caafimaad ayey dowladdu xiligaas u dirtay dadkii abaartu tabaaleysay si ay usoo daad gureeyaan.

120,000 dad gaadhaya ayey dawladu guryo, beero, xarumo caafimaad iyo wax barasho bilaash ah ugu abuurtay qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya, Sidoo kale  dadkii ku dhaqnaa koonfurta soomaaliya ayaa iyaguna garab istaagay wallaalohooda ay abaartu tabaaleysay iyaga oo wax walba oo karaankooda ah ku caawiyey.

Inka badan 50 sano ka dib Maanta abaar taa la mid ah ayaa dalka ka jirta, dawladdii dadkeeda samata bixisayna waxa dumiyey koox waxmagarata ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE