Culimada Degmada Galdogob Ayaa Xukun Adag Kasoo Saaray Kiiska Gabadhii Lagu Kufsaday Duleedka Degmadaasi (Video)

Culimada Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa war kasoo saaray kiiska Gabar dhawaan lagu kufsaday duleedka Galdogob, waxaana culimada ay go’aankooda u cuskadeen sida ay sheegeen shareecada islaamka.

Kiiska Gabadha la kufsaday oo loo haaysto ilaa afar dhalinyaro ayaa muran badan ka dhex dhaliyey deegaanada qaar ee Maamul Goboleedka Puntland, iyadoo ay jireen baaqyo kala duwan oo loo jeedinayey Culimada gacanta ku haaysay kiiska kufsiga.

Maanta ayaa waxay soo saareen qodobadii in mudda ah laga sugaayey, waxaaan xukunno adag ay ku go’aamiyeen ilaa afar qodob oo ay isku raaceen Culimada iyo Odayaasha labada dhinac, iyadoo taas looga deyday shareecada islaamka.

Hoos ka aqriso afarta qodob ee lasoo saaray

1-in Sharciga alle lagu qaado Ragga falkaasi ku kacay.
2-in Maamulka Puntland Goobjoog noqdo Marka Xukunka la fulinayo
3-in mag la siiyo ehelka mid kamid ah ragii Gabadha kufsaday oo xiligii la qabanayay la dhaawacay

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE