Dab Xoog Leh Oo Caawa Ka Kacay Mid Ka Mid Ah Suuqyada Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa dab xoogan uu ka kacay mid ka mid ah suuqyada ku yaalla deegaanweynaha Madiina ee Gobolka Banaadir.

Suuq Boocle oo lu yaalla degmada Dharkeynley ayaa wararku sheegayaan in caawa uu dab qabsaday goobo badan oo ka mid ah Goobaha ganacsi ee suuqaasi ku yaala, iyadoo ilaa hadda aan la ogeyn sababta dhalisay dabkaan ka kacay suuqa gudahiisa.

Sida ay kusoo waramayaan dadka ka agdhow suuqa Boocle, waxa socda dadaal lagu doonayo in lagu damiyo ama lagu yareeyo khasaaraha uu sababi karo dabka, waxaana laga cabsi qabaa in ion damba uu meelo badan ku fido maadaama ay dhacayaan dabeylo.

Waa maalin gadaheeda ama 12 saac gudahooda iyadoo suuqii labaad caawa uu dab qabsaday, waxaana maanta lagu guuleystay in la damiyo dab ka kacay suuqa bakaaraha gaar ahaan qeybta Cabdalle shideeyahay, iyadoo isla caawa ay gubanayaan goobo ganacsi oo ku yaalla suuq Boocle.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open