Deg Deg Dab Xoogan Oo Ka Kacay Qeybo Ka Mid Ah Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Dab xoogan ayaa goor dhow waxa uu ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ay soo baxayaan.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in suuqa Cbadalle shideeye ee Magaalada Muqdisho uu ka kacay dabk, waxaana la arkayaa qiiq xoog badan oo qabsaday qeybo badan oo ka mid ah dhismayaasha Ganacsi ee suuqa.

Lama oga sababta ka dambeysa dabka iyo khasaaraha uu dhaliyey iyado ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu baqtiiyo.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open