Faafaahin Ciidamada AMISOM Oo Saake Gudaha U Galay Magaalada Marka Iyo Qaraxyo Lagu Weeraray

Wararka ka imaanay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku earamaya in Ciidamada AMISOM sakae ay gudaha u galeen magaalada, iyagoo doonayey in ay howlgal sameeyey.

Ciidama ayaa iyagoo lugeenaya qaarkoodna saaran Gaadiidaka gaashaaman gaaray ilaa Masaajidka Sheekh Abroone ama Iskuulka Gaheyr oo ku yaalla meel u dhow Shirkadda Isgaarsiinta Nationling, waxaana halkaas lagula eegtay qaraxyo u badnaa kuwa gacmaha laga tuuro.

Ciidamada ayaa wararka waxa ay sheegayaan in magaalada ay ku sugnaayeen muddo sacad ah, waxaana ay kasoo baxeen ka dib markii ay la kulmeen qaraxyada, iyadoo sidoo kale lagu soo waramayo in qaraxyada ka dib ay fureen rasaas xoogan oo ay kaga jawaabayeen qaraxyada.

Sida lasoo sheegayo weerarada qaraxyda oo u badnaa kuwa gacmaha laga tuuro ayaan geysan wax khasaare ah, mana jiro sidoo kale khasaare ay geysatay rasaasta Ciidamada ay rideen, marka laga reebo in mudda ah oo jawaiga magaalada uu isbedelay.

AMISOM oo ay u cadaatay in aanay magaalada gacanteeda ku jirin ayaa dib ugu laabatay fariisinka ay ku leedahay xerada Ayuuub oo ku taalla koonfurta magaalada Marka halka looga baxo wadada aada Ceeljaale, iyadoo ku guul dareysatay in saacadooyin ay ku hakadaan xarumaha Maamulka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE