Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Maanta La Kulmay Qaar Ka Mid Ah Musharxiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Gudoomiyaha Baarlamaanka tobnaad ee Golaha Shacabka ayaa maanta kulan waxa uu la qaatay qaar ka mid ah muhsraxiinta dooneysa inay u tartmaan xilka Madaxweynaha oo doorashiidsa la qaban doono bisha soo socota.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Villia Hargeysa ayaa waxa joogay Madaxweynihii dowladii kumeel gaarka aheyd Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii Maamul Goboleedka Punrland C.raxmaan Faroole oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Labadan Musharax ayaa la sheegayaa in Gudoonka Baarlamaanka ay kala hadleen in doorashada dhici doonta laga ilaaliyo musuq iyo wax isdaba marin si tartanka uu u noqdo mid cadaalad iyo kalsooni looga guuleysto.

Gudoomiye Jawaari ayaa musharaxiinta u baqalan qaaday in la dhisi doono Gudi a kooban xildhibanaada labada aqal oo dejin doonta nidaamka doorasho ee lagu dooranayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE