Madaxweynaha Gambia Oo Qirtay In Looga Adkaaday Doorashadii Bishii Decembar Ka Dhacay Dalkaasi

Madaxweynaha sii haya xilka dalka Gambia Ninka lagu magacaabo Yahye Jammah ayaa qirtay in looga guuleystay doorashadii bishii Dicembar ka dhacday dalkaasi.

Yahye oo diidanayaa natiijada doorashada islamarkaana la kulmayyey cadaadis siyaasadeed oo aad u xoogan ayaa guusha Ninka mucaaradka ah ogolaaday saacdo ka dib markii dalkaasi uu geliyey xukun deg deg ah oo uu ku sheegay muddo seddax bilood ah.

Mushraxa ay soo dooorteen Shacabka Aadan Barow oo hada ku sugan dalka Senigal ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu dib ugu soo laabto dalka islamarkaana uu la wareego xilka, iyadoo loo dhaarin doono jagada Madaxweynenimada.

Yahye Jaamah oo xalay ka hadlaayey Telefishinka dowlada ayaa ka dhawaajiyey in uu ka degayo xilka maadaama sida uu hadalka u dhigay dalkiisa uu qarka u saaranyahay faragelin Milateri oo la doonayo in xilka looga tuur, waxaana uu sheegay in dadkiisa aanu u ogolaan doonin in dhibac dhiig ah oo isaga uu sawab u yahay aan laga daadin.

Dowladaha Gobolka ayaa cadaadis badan ku haayey Madaxweynaha looga adkaaday doorashada oo dalka maamulayey muddo 22 sana ah, isagoo diiday in uu aqoonsado Guusha laga gaaray.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE