Majaajiliiste Ajakis Oo Lagu Xirey Hargeysa Ayaa La Sheegayaa In Dib Loogu Soo Celinayo Muqdisho

Majaajiliistaha caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo lagu xirey Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in dib loogu soo celiyo halka markii hore uu ka dhoofay.

Warlaga soo xigtay Madaxda socdaalka Somaliland ayaa waxa lagu eedeeyey Jilaa Ajakis in aanu wadan waraaqaha aqoonsiga ee dal ku galka ama wax fasax aanu u  qabin in uu ka dego Garoomada Jamhuuriyadda Somaliland.

Mas’uuliyiin ka tirsan waaxda Socdaalka ayaa ku eedeeyey Ajakis in aanu soo dalban imaantinka Somaliland, waxaana ay sheegeen in saxaafadda iyo dadka caanka ah ay soo dalbadaan waraaqaha, sidaana Ninkan uu ku muteystay in xabsiga la dhigo.

Jaraa’idyada kasoo baxa Somaliland oo soo xiganaya Waaxda Socdaalka ayaa saake wada daabacay in Cabdi Muuri Dheere (Ajakis) la qorsheenayo in dib loogu soo celiyo Muqdisho oo markii hore uu ka dhoofay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open