Musharax C/raxmaan Faroole Oo Muqdisho Soo Gaaray Ayaa Ka Hadlay Waxa Uu Qaban Doono Hadii Uu Qabto Xilka Ugu Sareeya Dalka (Video)

Musharax Madaxweyne C/raxmaan SH Maxamed Faroole oo kamid ah Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegay waxyaabaha uu qaban doono hadii uu ku guuleysto Doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya.

C/raxmaan Sh Maxamed Faroole ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto Marxalad adag wuxuuna  u rajeeyey  Soomaaliya inuu Madaxweyne u noqdo shaqsi Mideeya Umadda Soomaaliyeed, Wuxuuna shaaciyey in halku dhigiisu uu yahay Nabad,Cadaalad,Horumar iyo Sinnaan,wuxuuna sheegay in hadii uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya uu dalka ku dhaqi doono Shareecada islaamka,

Wuxuuna dhanka kale Faroole ku booriyey Xildhibaanada Baarlamaanka ineysan lacag ku dooran Madaxweynaha,wuxuuna ballan qaaday inuusan isagu wax lacag ah ku bixin doonin Doorashada Madaxweyne ee dhawaan dalka ka dhici doonta

Faroole Wuxuu ka hadlay goobaha uu dib u Heshiisiinta ka samayn doono oo ay ka mid yihiin Gaalkacyo, Maamulka Galmudug ee kala fadhiya Cadaado iyo Dhuuso-mareeb iyo Magaalada Marka oo ay ku duuleen Mooryaan kasoo jeeda Maamulka Galmudug.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE