Taliyihii Boliiska Saldhiga Magaalada Jowhar Oo Lagu Qarax Lagu Qaarijiyey

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada dhexe ayaa ku waramaya in caawa halkaasi lagu qaariiyey Taliyihii Ciidamada Boliiska ee magaalada Jowhar Khaliif Cabdulle Carfaaye.

Wararka dilka Taliyahaya ayaa lasoo sheegayaa in caawa kooxo hubeysan ay bambaano gacmeed ku tuureen hoyga Taliyaha, waxaana wararka ay tilmaamayaan in halkaasi lagu dilay hal askari oo ka mid ahaa ilaalada Taliyaha.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in uu Taliyaha uu ku geeriyooday qarax bambaano ee caawa lagu weeraray, mana jiro faafaahin uu ka bixiyey xaalada caawa siday tahay.

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran