Warbixin Iska Hor Imanaysa Oo Itoobiya Ka Soo Saartay Doorashada Soomaaliya W/Q Qore: Axmed X. Jamac

Urur isku sheegay inuu ka shaqeeyo arrimaha cilmi barista lana yiraahdo Xarunta Dhexe ee wada hadalka, cilmi barista iyo wada shaqaynta, loona soo gaabiyo (CDRC) xaruntiisuna tahay magaalada Addis Ababa ayaa soo bandhigay warbixin ka kooban lix iyo toban bog oo uu kaga hadlayo arrimaha siyaasadda, doorashada, dhaqaalaha, amaanka iyo habka awood qaybsiga qabaa’ilka ee Soomaaliya.

Warbixinta ayaa inta badan xooga lagu saaray ka hadalka siyaasadda waddanka, iyadoo tilmaan cad ka bixinaysa qaab dhismeedka ay ku salaysan tahay awood qaybsiga hanaanka 4.5 iyo damaca qabaa’ilka Soomaalida.

Warbixintu waxay u hadashay qaab aad ugu khatar badan dadka Soomaalida, iyadoo qabaa’ilka mid kasta siinaysa jago gaar ah, taas bedelkeedna uusan qaban karin jagada kale, tanoo ah hab xeeladaysan oo ku dhisan qaybi oo xukun.

Tusaale waxay u soo qaadatay in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku khaldanaa inuu Madaxweyne u hanqal taago, taas bedelkeedna reerkiisu ay leeyihiin booska Jawaari loo doortay, halka qabiilka Hawiye ay ku sheegtay in haddii madaxtinimada la dhaafiyo ay Shabaab taageerayaan, Daroodkana ay ku tilmaantay inay booskooda Raysalwasaaraha haystaan xilligaan.

Qabiilka Isaaqa ayey ku sheegtay inay leeyihiin booska ku xigeenka Raysalwasaaraha, halka qabaa’ilka laga tiro badan yahay leeyihiin booska ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka, halka Dirtuna leedahay kuxigeenka labaad ee afhayeenka baarlamaanka si loo xoojiyo nabadda iyo dimoqraadiyadda soomaaliya.

Ugu horeyn, ururka soo saaray mid rasmi ahaan loo yaqaan ma ahan, haddii uu baaritaano ka samayn lahaa waxyaalaha ka jira gudaha Itoobiya waxay noqon lahayd suurto gal, marka waa urur ay dawladda Itoobiya leedahay, kana turjumaya aragtideeda siyaasadeed ee Soomaaliya ku aadan, tanoo ah in ay sii dheeraato kala qo qobka iyo kala dilista dadka Soomaaliyeed.

Tan xigta warbixinta siday u qoreen waxay tahay in ummada soomaaliyeed la kala fogeeyo si aysan weligeed isu aaminin, iyaddoo hadda ay soo muuqatay rajo ah in awooda wadanka loo siman yahay qabiilkastaana uu ku qanacsan yahay in qofkii dadka wax u taryaa hogaanka qabto ayaa tani u muuqataa mid markale dadka la isaga horkeenayo. Waayo ma jirto xaq gaar ah oo Shariif Xasan u diidaya inuu madaxtinimo u tartamo.

Waxaa ka muuqata warbixinta in Itoobiya isku dayday in Cumar Cabdirashiid oo ah raysalwasaaraha hadda iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay si wada jir ah u wada ololeeyaan, qofkastaana booskiisa haysto, taasna uu diiday Cumar Cabdirashiid iyadoo ku eedaynaysa wadamo shisheeye inay ka danbeeyaan.

Warbixinta waxaa kale oo wax looga sheegay xubnaha baarlamaanka cusub oo lagu tilmaamay kuwo aan lahayn khibrad siyaasadeed, dhalinyaro xamaasadaysanna u badan. Haddaba warbixinta sidaan loogu kala fogeynayo dadka Soomaaliyeed waxay muhiimadeedu tahay in Xasan Sheekh markale uu soo noqdo ay aad u taageerayso, ujeedka loo qorayna waa uun aragtidaas Ethiopia ee ku salaysan in Xasan Sheekh markale ku soo noqdo kursiga ay ka shaqayso.

Haddii Ethiopia qabiilka Hawiye u rabto kursiga madaxweyne nimada may sheegin cid kale oo ay taageeri karto oo ay soo bandhigtay, kana tirsan qabiilka Hawiye. Taas bedelkeed waxay xustay in dadka Soomaaliyeed ka daaleen xukunka qabiilka Abgaal ku soo noqnoqday. Hadday run sheegayso maxay u oran wayday Habargidir wakhtigaan iyadaa u xaq leh ee ha loo dhiibo, xukunka wadanka waayo waa dad Soomaaliyeed oo wax qabad leh.

Arrimaha kale ee warbixinta ku qornaa waxaa ka mid ah in qabiilka Hawiye uu cuqdad ka qaaday taliskii Siyaad Barre oo ay hor boodayeen qabaa’ilka Daarood ee kala ah Mareexaan, Ogaadeen iyo Dhulbahante, taasna ay tahay tan markasta ay uga soo horjeesanayaan in qof Daarod ahi markale xukunka qabto.

Akhristow markaad isku soo duubto warbixintu waxay cadaynaysa sida dhibaatada leh ee Ethiopia markasta oo qaranimo soomaaliyeed soo muuqato ay u kala xod xodanayso dadka, iyadoo ku dadaalaysa inay markasta lumiso wax kastoo midnimo ah oo u soo muuqata. Waxay kaloo Ethiopia gaar u cayrsanaysaa wadamada kale ee caalamka oo ay markasta iska xijinayso arrimaha Soomaaliya. Iyadoo waxaan hub ahayn aan wadanka soo gelin 40kii sano ee la soo dhaafay.

Marka bulshada Soomaaliyeed ayaa looga bahan yahay inay ka koraan wararka khaldan ee markasta iyaga laga qorayo, dhibaatada arrimaha qawmiyadaha ee Ethiopia ka jira ayaa ka nacayb badan is jiidjiidka qabiilada Soomaalida u dhexeeya. Waayo Soomaalida waa wada nooshahay, weli kumay kala tegin quud iyo qaaraan oo waa dad is ah. Laakiin Siyaasiyiinteena ayaa ah dhibaatada ugu daran oo iyagu dadka qoraya warbixinada noocaan oo kale ah u raaricinaya qalbiga.

Qore: Axmed X. Jamac
Qoraa madax banaan

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran