Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Oo Maanta Dhegeysanaya Khudbadaha Musharaxiinta Doorashada Gudoonka Aqalka Sare

Waxaa Maanta Xarunta Xildhibaanada Aqalka Sare ee magaalada Muqdisho ka bilaabanaysa Dhageysiga Khudbaha Musharixiinta u taagan Xilalka Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Labadiisa ku xigeen oo ay u taagan yihiin ilaa 16 Musharax.

Mudanayaasha Aqalka Sare ayaa saake xaadiri doona Xarunta Xildhibaanada Aqalka Sare  9:00AM Subaxnimo,  Xilka Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa u taagan Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Mustaf Maxamed Qodax.

Waxaa sidoo kale xilka Gudoomiye ku xigeenka koowaad iyo Labaad u taagan 14 Musharax, Maalinta Berri ayaa lagu wadaa iney dhacdo Doorashada Gudoonka Aqalka Sare.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE