Xubno Ka Mid Ah Beelaha Banaadiriga U Matali Doonta Aqalka Hoose Oo Lagu Doortay Magaalada Muqdisho

Waxa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada xubno ka tirsan Beelaha Banaadiriga oo doorashooyinkooda muddo hakad uu ku jirey.

Xarunta Gaadiida Boliiska ee Muqdisho ayaa doorasho ka dhacday waxa lagu doortay laba xubnood oo Beelaha Banaadiriga u matali doona Baarlamaanka fedaraalka ee aqalka hooe, iyadoo Ergooyin lasoo xulay ay u codeeyeen labadaasi xubnooda.

Beelaha Banaadiriga oo maanta soo dhameystirey doorashada Xildhibaanada aqalka hoose ayaa weli wax ku harsan xubnaha aqalka sare, iyadoo weli aan la shaacin xilliga kama dambeyska ah ee la dooranayo xubnahaasi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran