Dhac Iyo Boob Lagu Bilaabay Dadka Ku Dhaqan Degmada Baraawe Iyo Sharciyo Been Abuur Ah Oo Loo Sameystay (Cadeymo)

Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada hoose waxay ka mid tahay meelaha ay saldhigteen Mooryaanta duulaanka ku qabsatay Gobolka, waxaana ka shaqeeya Maamul maqaar saar ah oo talada deegaanka aan lagu tixgelin.

Tan iyo Sanadii 2014-kii Baraawe Shacabka ku dhaqan waxay la daalaa dhacayeen boob hantiyadeed iyo ku tumasho Shacab, waxaana laga xusi karaa shaqooyin uu boobay qab qable Cabdulaahi Xalane Dhuxulow oo hor istaagay shaqooyin lagu sharfay Ciyaal Agoon ahaa, waxaana arintaasi ay dhalisay in dagaal uu dhaco.

Maamlmihii lasoo dhaafay Shacabka ku dhaan Degmada Baraawe waxa loo qeybiyey waraaqooyin qaarkooda lagu soo dhejiyey Loogada ama astaanta Maamulka Shariif Xasan iyo kuwo kale oo loo sameystay loogooyin been abuur ah si loo baneysto dhaca iyo boobka.

Guri kasta oo ku yaalla degmada Baraawe ayaa bil kasta lagu amray dadka ku nool in ay bixiyaan lacag gaareysa ilaa $2 (laba doolar) oo u dhiganta 46 Shilin Soomaali oo lagu sheegay in lagu qabanayo howlaha nadaafadda deegaanka.

Dhinaca kale dukaamada degmada ku yaalla ayaa lagu rogay lacago qaali ah, waxaana ganacsatada iyo guud ahaan dadka Shacabka ah la dul dhigay amar ah in aanay diidi karin lacagaha lagu amray, waxaana waraaqaha la siiyey ku qoran in la ganaaxi doono cidii amarkaas ka dhega adeegta.

Adeegyada kale ee dhaqaalaha badan lagu soo rogay ayaa waxa ku jira Gaadiidleyda degmada oo calaa gaari walba oo degmada kasii baxaya laga doonayo lacag dhan Sideed boqol kun oo shilinka Soomaaliga ah.

Shacabka ayaa baaq u direy Siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta deegaanka kasoo jeeda ee ku kala jira Maamulka Koonfur galbeed iyo dowlada Fedaraalka si wax looga qabto boobta lagu haayo deegaanka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE