Gudoomiye Ku Xigeenada Koowaad Iyo Labaad Ee Baarlamaanka Aqalka Sare Oo La Doortay

Doorashada Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa goor dhowayd soo dhamaatay waxaana Guddiga ay ku dhawaaqeen Natiijada Cod Bixinta Xildhibaanada iyo sida ay u kala heleen Musharraxiinta Tartamayay.

Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) iyo Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaana kutar tamay Xilkaas waxaana Codka u badan helay Xildhibaan Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” oo helay 30 Cod halka uu Cabdi Axmed Dhuxulow uu helay 22 Cod.

Dinaca kale xarunta Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa lagu doortay Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka sare ay ku tartamayeen ilaa 7- Musharax oo katirsan Aqalka sare.

Doorashada oo aheed mid iyana adag ayaa gaartay ilaa sadex wareeg, waxaana wareega ugu dambeeya isugu soo haray labo Musharax kadib markii Musharaxiintii kale ay ku hareen labadii wareeg ee kale.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka sare ayaa waxaa ku guuleestay Xildhibaan Mowliid Xuseen Ghaad oo helay codad gaaraya 28-cod halka Xildhibaan C/Kaafi Macalin Xasan uu isna helay codad gaaraya 24.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran