Haweeneye Ganacsata Ah Oo Lagu Toogtay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen haweeney Ganacsata ah oo iibisa dharka Soomaalida u taqaano Huudheyda.

Dilka oo ka dhacay degmada Yaaqshiid ayaa kooxaha bistoolada ku hubeysan waxay u geysteen Haweeney lagu magacaabo Aamino Max’uud Axmed oo dharka huudheyda ku iibin jirtay Suuq bacaad ee degmadaasi, iyadoo dilka ka dib dableyda ay goobta ka baxsadeen.

Dad goob joogayaal ayaa sheegay in dableyda ay rasaas ku fureen haweeneyda, iyadoo islamrkiiba goobtaas ku geeriyootay, lamana oga sababta ka dambeysa in la beegsado iyo sababta loo beegsaday.

Magaalada Muqdihso ayaa waxa kusoo kordhaya dilalka iyo weerarada lagu qaadayo Ciidamada ka tirsan dowlada iyo dadka kale ee shacabka, waxaana todobaadakn gudahiisa siyaabooyin kala duwan Muqdisho dhexdeeda dilal loogu geystay dad kala duwan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE