Mooryaanta Habargidir Oo Muddo Ka Badan 24 Saac Afduub Ahaan U Haaysta Nin Waayeel Ah Oo Ay Qafaasheen

Mooryaanta Habargidir ee xoogga ku jooga qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelada hoose ayaa saacadihii lasoo dhaafay afduubtay Nin da’ah oo ka mid ah xoola dhaqataada deegaanka.

Mooryaan Fariisin ku leh Beer uu xoog ku haaysto Kaaba Mooryaan lagu magacaabo Daa’uud ayaa xalay fiidkii deegaan lagu magacaabo Buulacadey ka afduubtay Nin lagu magacaabo Nuur Maxamed Faqe oo ku jira da’aada todobaatanka sano.

Afduubka Ninkan ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan iyadoo markii ugu dambrysan ninkan lagu sheegay in la geeyey Beer ku taalla deegaanka Bariire oo saldhig u ah Maleeshiyaad ka kooban Mooryaanta Habargidir iyo Alshabaab.

Ilaa hada ma jiro wax war ah oo laga helay Afduubka Nuur Maxamed Faqe oo muddo ka badan labaatan iyo afar saac (24 saac) gacanta ugu jira Mooryaanta dhul boobka ah ee xoogga ku haaysta Gobolka Shabeelada hoose.

Mooryaanta Habargidir oo heshiis dhigaya la dagaalanka Beesha Biimaal la gashay kooxda Alshabaab ayaa dib u bilaabay afduubka maatida iyo weeyeellada, iyadoo bilooyinkii lasoo dhaafay ay ku gambanayeen kooxda Alshabaab oo ay u adeegsan jireen afduubka iyo dilalka qorsheysan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE