Dhageyso Maamulka G/Banaadir Oo Ka Warbixiyey Qaraxii Saakey Muqdisho Ka Dhacay Iyo Mas’uulkii Gaarigiisa Loogu Xiray Qaraxaasi

Waxaa maanta barqonimadii qarax uu ka dhacay agagaarka Shaleemo Soomaali oo ka tirsan degmada Waaberi ee gobolkaan Banaadir.

Sida maamulka gobolka Banaadir sheegay, qarxa ayaa ahaa Miino lagu xiray gaariga mid kamid ah Shaqaalaha Wasaarada arimaha gudaha Somaaliya oo magaciisa lagu soo gaabiyay Afrax.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in qaraxa loogu xiray shaqsigaas balse markii uu dareemay uu isaga degay Gaariga islamarkaana intaas kadib uu qarxay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE