Gudoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka Oo Ka Hadlay Xilliga Rasmiga Ah Ee Lagu Dhawaaqi Doono Gudiga Doorashada Madaxweynaha

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Maanta Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaaa waxa uu sheegay inay go’aamiyeen in Maalinta Berri ah la dhiso Gudigii Qaban-qaabin lahaa Doorashada Madaxweynaha dalka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale isku raacay sidii ay wada shaqayn iyo xiriir wanaagsan u yeelan lahaayeen labada Aqal ee dalka si looga shaqeeyo horumarka iyo jiritaanka Qaranimada Soomaaliya.

Gudiga lagu dhisi doono kulanka Wadajirka ah ee ay Maalinta Berri ah yeelanayaan Xildhibaanada Golayaasha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa waxaa laga sugayaa iney ku dhawaaqaan Waqtiga Rasmiga ah ee la qabanayo Doorashada Madaxweynaha iyo Shuruudaha laga doonayo Musharixiinta u taagan xilka Madaxweyne ee dalka.

Xildhibanaada Golaha Shacabka iyo kuwa aqalka sare ayaa soo doortay Gudoonka labada aqal, waxaana looga fadhiyaa in ay soo doortaan Madaxweynaha hogaamin doona dalka afarta sano ee soo socota,

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open