Magaalada Garowe Oo Lagu Soo Bandhigay Kiis Kufsi Ah Oo Loo Geystay Gabar 10 Sano Jir Ah (Video)

Magaalada Garoowe waxaa lagu soo badhigay fal kufsi ah oo naxdin leh, waxaana Arintan saxaafadda u soo badhigtay Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Magaalada Garowe, oo caddeysay in Gabar yar oo 10 sano jir ah, iyadu ay dhashay lagu Kufsaday Magaalada Garowe, taasoo u dhimatay Kufsigii loo geystay.

Gabadha falka naxdinta leh ku dhacay ayaa hooyadeedu sheegtay inuu kufsiga u geystay Macalinkeedii, iyadoo codsatay in Caddaaladda la horkeeno ninkaasi waxayna baaq u diray Maamulka Goboleedka Puntland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE